Ciidamo kala dhexgalay dagaal ka socday degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay iney kala dhex-galeen maleeshiyo beeleedyo shalay ku dagaalamay degaanada Mirxeyley iyo Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inta badan soo gaaray labada dhinac sida ay sheegayaan wararka inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Guutada 13aad ee ciidanka Xoogga oo uu hoggaaminaya Col. Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud (Timadheere) ayaa ku guuleystey inay dagaalka joojiyaan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo isqabqabsi ka dhashay baraag biyood laga qoday degaanada Mirxeyley & Bangeelle.

Waxaa saaka degan xaalada degaanada lagu dagaalamay inkastoo labada maleeshiyo ay weli is hor fadhiyaan, waxaana la filayaa in labada beelood waxgaradkooda ay isku yimaadaan si xal kama dambeys ah looga gaaro dhibaaatada dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -