Xirsi Yuusuf Barre oo si cad uga soo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyey

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saarey wareegto uu ku sheegay inuu xilalkii ka qaadey mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo, isla markaana uu kala direy Golaha degaanka degmadaas.

Balse qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeestay talaabada uu qaaday Xaaf iyagoo ku sifeeyey mid sharci daro ah.

Duqa degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aanay waxba ka jirin, isla markaana isaga uu weli yahay Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo.

“Xaaf xilligan wax xil ah ma qaadi karo, mana magacaabi karo maxaa yeelay isagaanba xil heynin, duqa magaalada Gaalkacyana anigaa ah illaa hadda” ayuu yiri Xirsi Yuusuf Barre oo wax lala yaabo ku sifeeyey talaabada uu Xaaf qaaday.

Xirsi Yuusuf Barre ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, isagoo ka mid ahaa mas’uuliyiintii shalay soo dhaweeyey musharax Qoorqoor oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku taageereyso xilka doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -