Qatar oo la sheegay in dowlada Somalia ku Qasbeyso In ay xeriirka u Jarto Imaaradka

Dowladda Qatar ayaa si weyn ugu ololeyneysa in ay Soomaaliya jarto xeriirkii kala dhaxeeyay muddo sanado ah dowladda Imaaradka waxaana arintaasi ay abuuri kartaa caqabado hor leh oo soo wajaha Soomaaliya sidaasi waxaa sheegay Khabiir Mareykan ah oo ka faalooda Siyaasadda Dibadda.

Khabiirka ayaa waxa uu sheegay in Imaaradku ay tababareen kumaan ciidamo Soomaaliyeed ah tan iyo sanadii 2014-kii xiligaa oo howlgalka tababarka ay bilowday Imaaradka waxaana uu sheegay in Ciidamada Soomaaliyeed ay heleen khibrad Caalami ah.

“ Imaaradku waxa uu dhisay Goobo waxbarasho, Isbitaalo, iyo xarumo lagu xanaaneeyo agoonta  wuxuuna qeyb ka qaatay dagaalka Al Shabaab waxaana qiima ahaan  qarashaadkii Imaaradka ugu baxay Soomaaliya 1993 ilaa 2016-dii uu gaarayaa $277 Million , inta badanna waxaa loo soo marsiinayay hay’adda Bisha Cas ee Imaaradka Carabta” sida uu hadalka u dhigay Richard Miniter oo ah khabiir dhanka siyaasadda dibadda ka faalooda.

Richard Miniter ayaa sidoo kale xusay in $165 Million lagu soo aruuriyay olole loogu magic daray “For you, Somalia” oo lagu taageerayay shacabka Soomaaliyeed sanadii 2017-dii oo Shacabka Imaaradka ka qeyb qaateen, deeqaha iyo gargaarka ku baxay Soomaaliya ayuu ku qiyaasay ku dhowaad Nus Bilyan oo doolar, sida uu hadalka u dhigay Richard Miniter oo si dhaw ula shaqeeya Maamulka Trump ee dalka Mareykanka islamarkaana ah Wariye baare ah oo  wax ku qora warbaahinadda Caalamiga ah.

Imaaradka ayaa hoos u dhigay xeriirki Soomaaliya tan iyo 8-dii April ee bishan wixii ka dambeeyay markii ciidamada Amaanka garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen $ 9.6 Million oo Imaaradku lahaa.

10 Maalin kadib dowladda Qatar Safiirkooda u fadhiya Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashim ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay 30 bas iyo labo wish.

Khabiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday “ hadda cadaadis ayeey Qatar ku saareysaa Soomaaliya in ay xeriirka u jarto Imaaradka”

Wasiirka Arimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in Soomaaliya ay abuurtay xasardo aan loo baahneyn waxaana uu xusay in  Soomaaliya looga baahan yahay wada hadal furan oo aan qol xiran aheyn.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -