Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dab xooggan oo ka kacay warshad dawooyinka lagu sameeyo oo ku taalla gobolka Telangana ee koonfurta Hindiya, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka.
Qaraxa ayaa dhacay xilli lagu guda jiray shaqada maalintii isniinta, waxaana uu ka dhacay qaybta warshadaha ee Sigachi, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo xaaladdoodu liidato.
“Illaa 31 qof oo mayd ah ayaa laga soo saaray burburka halka saddex ay ku dhinteen isbitaalka iyadoo lagu daweynayo,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan booliiska degmada Paritosh Pankaj u sheegay Press Trust of India.
“Dhacdadaas nasiib-darrada ah waxay sababtay khasaare nafeed oo, waxaana laga yaabaa in ay jiraan shakhsiyaad dhaawacyo soo gaadheen,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay Sigachi Industries soo saartay.
Maamulka ayaa sheegay in ku dhawaad ​​60 ruux ay ku sugnaayeen dhismaha markii uu qaraxa dhacayay, taasoo keentay in gabi ahaan uu burburo dhismaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com