Soomaaliyey Anagga iyo Shirkadda Korontada BECO noo kala Garqaada (Daawo Sawirro)

“Masiibada nagu Dhacdey Dhul Gariir ma ahayn Duufaan ma hayan , Daadad ma ahayn ee waxay ahayd Baalle kortonto oo ay lahayd Shirkaadda Korontada ee BECO Guriga ku soo Go’dey “ ayey Yiraahdeen Suldaan Dhiirane Suldaan Muxumed, Colaad Cabdi Cumar iyo Ugaas Maxamuud Axmed Muxumed oo Nabadoono u ah Qoyskii Dhawaan Dabka ku qabsadey Degmada Yaaqshiid oo ay ku geeriyoodeey Hooyo iyo Lix Caruur ah ay Dhashey waxay intaas sii raaciyeen.

“ Cabashadeena waxay ku timid markii ay u sheegney Shirkadda BECO Musiibadaas ayey Dhowr jeer Balamo nooga baaqsadeen marka haddii aan nahay Nabadoonadii Beesha Jareerweyne waxaan ka Codsaneynaa Maamulka Shirkada BECO in ay naga Gar baxaan oo ay joojiyaan Yasmada iyo Faquuqa.

“ Hadii aan ahaan laheyn Beelaha Xooga leh maanta BECO Shirkadda sidaa nooma gasheen oo waa hore ayey naga gar bixi lahaayeen ” ayey yiraahdeen Nabadoonadaas oo sheegey in Dowladda Federaalka gaar ahaan Garsoorka Dalka in ay arrinta Qoyskaas Masiibada ku dhacdey ay deg deg u soo Dhex galaan galaan .

Taariikh 18 3-2018 ayaa Qoyskaas Dab ku qabsadey Gurigooda oo ku yaala Degmada yaaqshiid kadib markii ay sheegeen in Gurigooda aysan Koronto ugu jirin balse Baalo ay leedahay Shirkada Korontad BECO oo dulmareysey Guriga ay ku soo Go’do kaasoo Sabab u noqdeey masiibadaas qoyskas ku DHacdey oo ka koobnaa Hooyo iyo Lix Caruur oo Aabahoodana uu weli Dhaawac Gubasho ah u jiifomid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho waxay kala yihiin Magacyadooda.

Hooyo Aaamino Cabaas Cabdulaahi,Bilaal Cali Cabdala,Ciise Cali Cabdala,Haajiro Cali Cabdala ,Luul Cali Cabdala ,Najma Cali CabdalaAamina Cabduqaadir Aadan 12 Jir ahayd oo Qoyska Marti u ahayd

Wixii Faahfaain ah kala xiriir
Suldaan Dhiirane Suldaan Muxumed
Telka 0025261 5824754
Tel 0025261617869190

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -