Xukuumada Somalia oo ka hadashay hadal kasoo yeeray Wasiir katirsan dowlada Imaaraadka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash oo dhawaan la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay heshiiskii Dekadda Berbera la galeen Dowladii hore ee Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa durba ka hadashay hadalkan kasoo baxay Dowlada Imaraaatka, waxa ayna Xukuumada sheegtay in aysan ogeyn meel heshiis lagula galay dowlada Imaraaadka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa meesha ka saaray in uu jiro heshiis dowladii hore Soomaaliya dowlada Imaaraadka Carabta kala gashay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Berbera.

Waxa uu xusay Wasiirka in aysan ogeyn heshiis dowladii hore iyo dowlada hada jirta kala gaartay Imaaraatka Dekadda Berbera, waxa uuna xusay in hadalkan kaliya ka maqleyn Wasiiru dowladah Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

“Maya maya xukuumadda soomaaliya ma oga heshiis imaaraadka ay dowaldihii dalka soo maray iyo dowladaan ay la galeen imaaraadka ama ay madaxda imaaradka ay natuseen laakin wasiiru dowlaha ayaan ka maqalnay in uu sheegay in Isfahan uu heshiiskaas ku dhacay xataa hadii uu jiro isfahan misi qoraal ah ayuu ku dhacay mise mid afka laga wada hadlay laakin Imaaraadka ayaan weli ka sugeynaa heshiiskaas ayuu yiri Wasiir Cawad”

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiligan waxaa ka dhax aloosan xiisad siyaasadeed oo dhaawacay xiriirka labada dal, waxaana xiisada labada wadan sabab u aheyn heshiiskii Shirkada DP World kula wareegtay dekadda Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -