Qoyska Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, ayaa xilligan wajahaya xaalad adag oo gudaha maamulka uga imaaneysa, waxaana hadda loo heestaa Ra’isul Wasaaraha iyo xubno kamid ah carruurtiisa in ay ku kaceen falal la xariira musuqmaasuq iyo ku takrifal awoodeed.
Wargeyska Haaretz ee kasoo baxa Israa;’iil, ayaa qoray in booliiska Israa’iil shalay u yeereen ayna su’aallo adag weydiiyeen wiil uu dhalay Ra’isul Wasaare Netanyahu, kaa oo lagu magacaabo Yair Natenyahu, waxaana loo heestaa Yair in baasaboorka diblumaasiga ah u sameeyay xubno katirsan xisbiga aabihiis.
Wiilka Netanyahu, ayaa la sheegay in sifo aan sharci aheyn ugu dalbay uguna sameeyay baasaboorka diblumaasiga xubno katirsan xisbiga Likud uu hoggaamiyo aabihiis, waxaana baasaboorka diblumaasiga loogu talagay kaliya inay adeegsadaan kuna safraan diblomaasiyiinta.
Yair Netanyahu, ayaa falkan uu ku kacay uguna sameeyay baasaboorka diblumaasiga xubno aan xaq u laheyn la sheegay in uu saxiix uga helay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, waxaana la sheegay in wiilka Netanyahu adeegsaday awood dheeraad ah, si uu u helo wax kasta uu u baahdo.
Arrintan, ayaa imaaneysa xilli kiisas musuqmaasuq oo ka dhan ah Ra;’isul Wasaaraha Israa’iil horyaallo maxkamad kutaalla Israa’il, waxaana la filayaa in Netanyahu mar kale hortago maxkamadda si loogu qaado kiisaska lagu soo eedeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com