Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65 sano guurada ka soo wareegatay maalinka xoriyadda iyo midnimada qaranka awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Ubax-dhigga Taalada Daljirka ,waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan oo salaan uga qaadayey cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sannad kasta maalmaha xuriyadda gaar ahaan 26-ka Juub iyo 1-da Luulyo, waxa uu uabax dhigaa taalootinka Dhagax-tuur iyo Daljirka Dahsoon, halkaas oo ay ka dhacaan munaasabado kooban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Pakistan oo dayuuradii 4aad dhulka soo dhigtay

Caydiid Ali

Wadaad Dhallinyaro ahaa oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

30 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay degaanka Faarax Aadan & Galmudug oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---