Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Waddo cusub oo isku xiraysa Garawe iyo Garacad (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax-dhigay dhismaha Waddo cusub oo isku xiraysa magaalada Garoowe iyo deegaanka dekadda leh ee  Garacad ee katirsan gobolka Mudug
Madaxweyne Deni  ayaa sheegay in maamulkiisa muhiimad weyn u leedahay dhismaha wadadan isku xireysa magaalada Garawe iyo Garacad , waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsaha badan wadadan loo dhisi doono.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus ee ka tirsan degmada Garoowe .
Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay bulshadii soo dhoweysay, ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay isu diyaariyaan doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee maamulkiisa laga sugayey, sidaasi darteed loo baahanyahay in bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -