Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan ku yeeshay Xarunta Xalane

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Hoyga uu Ka degenyahay xarunta Xalane ee  Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka JFS ahna Madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan sheikh Aadan.
Axmed Madoobe ayaana saaxiibkiis hore oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Ka dhageystay talooyinkiisa la xiriira sidii looga wada shaqayn lahaa dardar galinta howlaha doorashooyinka.
Labada Masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhaliyay in ay dib u dhacaan doorashada Soomaaliya iyo sidii looga shaqeyn lahaa in dalka ka dhacdo doorasho raali laga wada yahay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qeyb galka shirka wadatashiga ee looga hadlayo xal ka gaarista doorashada Soomaaliya, shirkan ayaana la filayaa in heshiis lagu gaaro si doorasho loo aado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -