Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo wax laga bedelay

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaaladay 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare iyagoo ka mahad celiyey ansixinta sharciga saxaafada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Cudur lagu Jahwareersanaa dadna ku dilay Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

Cabdi Cade

Akhriso :10- Su’aal oo adag oo Ra’isul Wasaare Kheyre lagu weediinayo Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---