Qarax goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda uu ka dhacay Isgooska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxan uusan wax khasaaro ah geesan.

Qaraxa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in uu ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana qaraxan lagu war galiyay ciidamada amaanka kuwaa oo inta aysan kala furin miinada qaraxday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labo qarax oo miino lasoo dhigay Isgooska Bakaaraha, waxaana ciidamada amaanka ku guuleesteen in mid kamid ah miinooyinkaasi kala fur furaan halka miino kalana ay qaraxday.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan miino ee ka dhacay Isgooska Bakaaraha, waxaana goobta qaraxyadan miino la dhigay yihiin goob mashquul badan oo ay dad badan ku ganacsadaan.

Isgooska Bakaaraha ayaa marar badan sidan oo kale loo dhigay qaraxyo miino, waxaana inta badan qaraxyadaasi fashiliyay ciidamada amaanka oo lagu war galiyay, waxaana fashilinta qaraxyadaasi gacan ka geestay shacab halkaasi ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -