Daawo Sawirro laga soo qaaday Deegaanka Tooro Toorow oo ay la wareegeen Ciidamada Danab

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliga gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee loo yaqaan Danab ayaa Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Tooro Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sargaal katirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Danab Al Shabaab kala wareegeen deegaanka Tooto Toorow, waxa uuna sheegay in dagaalyahanadii deegaankaasi joogay ay firxadeen.

Deegaanka Tooro Toorow ayaa Al Shabaab u aheyd sanadihii lasoo dhaafay xarun muhiim ah ay ku howl galaan, waxaana xaruntaasi ku taalay maxkamad ay inta badan tagi jireen ganacsatada iyo sidoo kale dadka dacwadaha isku heesta ee Muqdisho jooga.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay in howlgalo baaritaano ah ka wadaan xarumo ay Al Shabaab ka degnaayeen deegaanka Tooro Toorow iyo guryo halkaasi kuyaala ay degnaayeen dagaalyahano iyo masuuliyiin katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada Danab ayaa sidoo kale la hadlay qaar kamid ah dadka deegaanka , waxa ayna ka codsadeen in ciidamada amanaka kala shaqeeyaan amaanka deegaanka.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin howlgalkan ciidamada dowlada kula wareegeen deegaanbka Tooro Toorow, mana ahan markii ugu horeesay ciidamada dowlada tagana deegaankaasi ay xili hore mar qabsadeen balse dib uga soo baxeen.

- Advertisement -