Maamulka K/Galbeed oo amar cusub ka soo saaray Magaalada Baydhabo

Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur galbeed ayaa shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Kulankii golaha wasiirada ee uu shir guddoominayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga cadaaladda iyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada sida warka loo dhigay.

Waxay soo dhaweeyeen howlgalada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhanka ah Alshabaab gaar ahaana Sh/hoose iyagoo ciidamada ku amaanay guulihii ay ka soo gaareen.

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga ayaa Kulanka inta uu socday warbixino looga dhageystay waxaana la faray dhamaan dadka reer Koonfur Galbeed inaan la aqbali karin shirar uusan ka war heyn maamulka in lagu qabto degaanadeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -