Taliska Danab oo shaaciyay in ay qabteen Sargaal iyo dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab

Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal maanta kula wareegeen deegaanka Tooro Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose ,halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska  G/le Ismaacil Maalin ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday Ciidamadda ay nolosha ku qabteen 10 katirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose Macalin Abuukar.

Taliyaha ayaa xusay in deegaanka Toora toorow inay ku taalay maxkamad uu sheegay in ay Xarakada Al-Shabaab Shacabka Soomaaliyeed uga qaadi jireen lacag fara badan oo ay ku sheegeen Zakawaad.

Howlgalkani ay maanta Danab kula wareegeen Tooro Toorow  ayaa qeyb ka ah howlgalo Ciidamada  Danab Al Shabaab kaga saarayaan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo horey ula wareegay degaanada Sabiib, Caanoole iyo degmada Awdheegle.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin howlgalkan looga saaray deegaanka Tooro Toorow iyo warkan kasoo baxay Taliska Danab ee ku aadan iyo masuuliyiin iyo dagaalyahano looga qabtay howlgalka Tooro Toorow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -