Kumaandooska Soomaaliya oo Bur buriyay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ku bur buriyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in weerar lagu fuliyo.

Ciidamada Danab ayaana gaarigan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku bur buriyay  deegaan 18 km u jira degaanka Toora tooroow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in ciidamada gaarigaasi ku dhufteen hub culus.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee Danab Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidamada bur buriyeen gaari qaraxyo laga soo buuxiyay sidoo kale nolosha ku qabteen sadex nin oo gaarigaasi la socday.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkan yimid kadib markii ciidamada ka warheleen xogta gaarigan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna xusay in qaraxyadan Al Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Gaarigan ciidamada kumaandooska Danab qarxiyeen ayaana wali la ogeyn halka uu kusii jeeday, mana jiro faah faahino badan oo laga helay nuuca uu ahaa gaarigan waxyaabaha qarxa ka buuxeen ee la qarxiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -