Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Hey’adda …

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid dalka.

Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga.

Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Beesha caalamka oo DF hordhigtay 11 qodob oo la xiriira doorashooyinka Somalia

Caydiid Ali

Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Lagu dhawaaqay & Laami cusub oo laga dhisayo Muqdisho !!

admin

Facebook oo soo saareysa Shuruuc saameyn ku yeelan karta Soomaaliya badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---