Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo maanta yeeshay gudoomiye KMG ah 

Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxa ay ku doorteen Gudoomiye si KMG ah u gudoomin doona Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ahaa qofka ugu da’da weyn Baarlamaanka cusub ayaa loo doortay in uu Gudoomiye KMG ah usii noqdo Baarlamaanka inta ay kasoo dooranayaan Gudoomiye iyo kuxigeenadiisa.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Baarlamaanka Galmudug iska dhax doortaan Guddi qaban qaabiya doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo la filayo in maalmaha soo socda lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Dhismaha maamulka Galmudug ayaa hada maraya heer gabo gabo ah, waxaana la filayaa in xildhibaanada marka ay soo doortaan gudoonka Baarlamaanka kadib ay hadana doortaa Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Related posts

(Sawirro) Al-Shabaab oo laga saaray degaano Sh/hoose ka tirsan, lagana burburiyey..

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo bilaabay burburinta qabuuro ku yaalla bariga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---