Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Al-Shabaab oo laga saaray degaano Sh/hoose ka tirsan, lagana burburiyey..

Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka NISA ee fadhigoodu yahay magaalada Marka ayaa si wadajir ah u fuliyey hawlgal qorsheysan oo lagu weeraray tuulooyin hoostaga degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose oo Al-shabaab ay joogeen

Tuulooyinka kala ah Buule-arundi, Malable, Beeraha-baay iyo Busley-daa’uud ayay ciidamadu Qaranku ku burburiyeen goobo al-shabaab gabbaad u ahaa iyo Doon ay uga kala gudbi jireen labada dhinac ee Wabiga.

“Hawlgalkan guuleystay waxaa wadajir u hogaaminaayay taliyaha ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee xoogga dalka Gaashaanle Maxamed Nuur iyo Taliyaha NISA ee degmada Marka Maxamed Sheekh” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada xoogga dalka.

Xoogaga Al-shabaab ee ku sugnaa degaanadaas ayaa isaga baxay kaa dib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan sida dadka degaanku sheegeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Afrikan ah oo Raadinaya Musharax uu ku taageero kursiga uu ka degayo

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Caydiid Ali

(Akhriso) Jubbaland oo eedeysay DF, soona dhoweysay hadalka QM & Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---