Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo bilaabay burburinta qabuuro ku yaalla bariga Gaza (Sawirro)

Ciidamada Israel ayaa gaadiidka cagafta mariyey qabuuro ku yaal bariga Qaza, iyagoo burburiyay qeybo ka mid ah qabuuraha, isla markaana dibeda u soo saaray dadka dhintay.

Cagaf-cagafta ayaa burburisay qabuuraha Sheekh Shaban ee xaafadda A-Saha ee bariga Qaza.

Dadka dhintay oo ay ku jiraan kuwi lagu laayey duqeymaha Israel ayaa la soo saaray oo lagu burburiyay cagafyada hoostooda ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada Yuhuuda ay cagaf galiyaan qabuuraha meydadka ay soo saaraan, kadibna googooyaan.

Meydadka qeybo kamid ah oo ay ku jiraan caruur ayaa si cad uga muuqda agagaarka qabuuraha, lamana oga illaa hadda ujeedada ay ka leeyihiin arrintan

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa xoojisay weerarrada ay ka geysanayso xudduudaha iyada oo si qoto dheer u weerartay Lubnaan si ay u garaacdo goobaha ay Xisbullah leedahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Shirka Madasha Watashiga Qaran oo Baydhabo ka furmaya iyo qaban-qaabo socota

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha Suuriya oo shaaciyay xilliga ay Doorasho ka dhici karto dalkaasi

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo iska xaadiriyay furumaha hore ee dagaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---