Suldaan Qaboos Bin Saciid oo la shaaciyay in uu Geeriyooday iyo Baroor diiq loo sameenayo

Telefishinka dalka Cumaan ayaa shaaciyay in uu geeriyooday Suldaan Qaboos Bin Saciid oo ahaa Suldaankii Boqortooyada Cumaan, Suldaanka ayaana u geeriyooday xanuunka Kansarka oo  in mudo ah oo hayay.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Saldanada Cumaan oo lagu baahiyay telefihinka Cuman ayaa lagu sheegay in Suldaan Qaboos uu geeriyooday habeenkii Jimcaha , waxaana bayaanka lagu sheegay in Suldaanka wax badan kasoo qabtay dalka Cuman.

Calanka dalka Cuman ayaa hoos loo dhigi doonaa mudo 40-maalmood ah, waxaa sidoo kale dalka Cuman looga dhawaaqay baroor diiq sadex maalin socon doonta , waxaana dalkaasi si weyn looga dareemay geerida Suldaanka.

Suldan Qaboos oo ku geeriyooday da’da 79-sano ayaa talada dalka Cuman qabtay sanadkii 1970-kii , waxa uuna talada dalkaasi kula wareegay Afgambi aan dhiig ku daadan uu ku sameeyay Aabihiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -