Iran oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii Ukrine iyo talaabo laga qaadi doono cidii ka dambeesay

Bayaan ay soo saareen milatariga dalka Iran ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen diyaaradii Ukrine Airlines ee ku bur burtay duleedka magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran.

Telefishinka dowlada Iran oo laga baahiyay warkan ayaa lagu sheegay in milatariga Iran si kam ah usoo rideen diyaarada rakaab ee laga lahaa dalka Iran , waxaana diyaarada ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay 176-qof.

Milatariga Iran Bayaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in bur burka diyaarada ku yimid khalad uu bina’aadam sameeyay , waxa ayna milatariga sheegeen in Dadkii masuulka ka ahaa falkan lala xisaabtami doono.

Dowladaha Canada ,Mareykanka iyo Britain ayaa horey u shaaciyay in dowlada Iran iyadu soo riday diyaarada Rakaab ee laga lahaa dalka Ukraine, waxaana soo ridista diyaarada kusoo aaday xiligii Iran duqeeneysay saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -