Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Barnaamij Muran badan dhaliyey oo laga joojiyey telefishinka dalka Iran

Iran ayaa telefishinka codkeeda ku hadla ka joojisay Barnaamij lacago lagu helayo markii ay ka cawdeen culimada waaweyn ee dalkaas taladiisa awooda ku leh.

Barnaamijkan ayaa shaabaha mid laga sii daayo telefshinada reer galbeedka oo la magac baxay “Yaa dooneya inuu Milionaire noqdo” (Who Wants to be a Millionaire)

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Aayatullaah Cali Khomeni ayaa ka digay in barnaamijkaas lacagta sida fudud loogu helayo halis gelin karo dhaqanka hawlkarnimada iyo wax soo saarka Ummada.

Mid ka mid ah culimada Shiicada ayaa ka Fatwooday barnaamijyada ay dadka ka qayb galaa lacag helaan, isagoo ku tilmaamay khamaar ay Shareecaada Islaamka xaaraan ka dhigtay.

Barnaamijkan waxa soo jeediya jilaa la yiraahdo Mohammad Reza Golzar waxaana dadka ka qayb gala ay ku tartamaan hal bilayn oo Riyal taasoo u dhiganta $25,000 oo Dollar waxaanay sidoo kale dadku tartanka kaga qayb geli karaan iyaga oo guryahooda jooga oo adeegsanaya internet.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Burburka soo gaaray xeradii Inji ee ay ku jireen Masuuliyiintii Ahlu suna

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ay ku sugan yihiin Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

Shirar Xasaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---