Beelaha Galmudug qaarkood oo saluugsan Xubnaha ku matalaya Baarlamaanka cusub

Waxaa shalay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug looga dhawaaqay liiska 83-Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka labaad uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Xildhibaanadan cusub ee la shaaciyay magacyadooda ayaa la sheegay in ay soo xuleen Odayaasha saxiixayaasha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ku xareesnaa xerada Shiirkole ee magaalada Dhuusomareeb.

Beelaha qaar ee dega Deegaanada Galmudug ayaa saluug badan ka qaba Xubno beelahooda ku matalaya Baarlamaanka , waxa ayna Waxgaradka beelaha qaar sheegeen in xubnhaaasi rabitaanka dadka ay matalaan aysan ku imaan balse meesha la geestay.

Sida aan wararka ku helnay qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa kursiga ku helay rabitaanka Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo dano gaar ah leh kuwaa oo Baarlamaanka ku darsaday xubno ay rabaan.

Waxgaradka iyo siyaasiyinta beelaha qaar ayaa sheegay in Baarlamaanka cusub ee Galmudug aan lagu soo xulin si daacadnimo ku jirto balse lagu soo xalay si ay ku jirto danaha dad gaar ah.

Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa maalmaha soo socda magaalada Dhuusomareeb kusoo dooran doona Hogaanka Baarlamaanka Galmudug iyo sidoo kale Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii Galmudug loogu dhisi lahaa maamul ugu yaraan karoon kii waqtigiisu dhamaaday, waxaana dad badan isha ku hayaan Hogaanka cusub ee loo dooran doono Galmudug waxa ay soo kordhin doonaan.

 

- Advertisement -