Dowlada Sacuudiga oo fashilisay weerar nooc cusub ah oo dalkaas lagu soo qaaday

Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegaya in ay fashiliyeen weerar la doonayay in lagu fuliyo dayaarad nooca aan duuliyaha lahayn meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee ku taalla Koonfurta dalka Sucuudiga.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso saacado uun kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ee dalka Yaman ay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ay ku qaadeen garoonkaasi, arrintaasoo sida ay sheegeen carqaladeysay duulimaadyo dhawr ah.

Isbahaysigan uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa beeniyay in hawlaha garoonkaasi ay istaageen balse xog laga helay qeybta diyaaradaha laga hago ayaa sheegeysa in muddo kooban duulimaadyada dib loo dhigay.

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyay tirada sawaariikhda ay ku ridayaan gudaha Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku adkeysanaysa in dowladda Iiraan oo taageerto Xuutiyiinta Yaman ay tahay in ay qaadato mas’uuliyadda weeraradaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -