Allbanaadir.com
NEWS

Shir ay ka qeyb galayaan boqolaal Ergo oo ka furmay Muqdisho

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka qeyb galeen 320 ergo oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah, ayaa maalmaha uu socdo waxaa looga arrisan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuquraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la-dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimuquraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegey inuu ku faraxsanahay in Madaxweynaha JFS uu maalmo ka hor saxiixay Sharciga Shaqada ee dib-u-eegis lagu sameeyay, 52 saso kaddib, taas oo guul muhiim ah u ah shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Waxa uu si lamid ah xusey in Xukuumada DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta Barnaamijka Shaqo Wanaagsan (Decent Work Country Programme) oo ah mid mudnaan sare u leh Soomaaliya, si loo xaqiijiyo koboca dhaqaalaha oo la jaanqaado fursadaha shaqo ee dalka ka jir.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil Caawa ka dhacay magaalada Jowhar iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Scott Morrison oo loo heysto hees uu si foolxun u qaaday

Caydiid Ali

Xog Muhiim ah oo ku saabsan Sharciyada Shaqo ee Ajaaniibta Soomaaliya joogta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---