Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Muslimiin careysan oo ka dibed baxay xad gudub lagula kacay Quraanka Kariimka (Sawirro)

Dibed baxayaal Muslimiin ah iyo taageerayaasha garabka midig ee Sweden ayaa isku dhacay, iyadoo ciidamada Booliskana ay qeyb ka noqdeen dagaalkaas.

Rabshadaha ayaa ka dhashay nuqul kitaab Qur’aan ah oo lagu gubay xaafada RosengĂ„rd, halkaas oo ay ku badan yihiin dad ka soo galootiga ah ee dalkaasi ku aan u dhalan.

Waxaa dab la qabadsiiyay Baabuur, dukaamo ayaa iyana waxyeello la gaarsiiyey iska hor imaadkii ka dhacay magaalada koonfurta ku taal ee Malmö.

Waxaa jiray dad badan oo la qabtay. Isla sidoo kale gawaari, ay ku jiraan kuwa amblunce-tu ayaa dhagxaan lala dhacay.

Booliiska dalka Sweden ay iyana rabshadahaas u xiray dad gaaraya 12 qof, iyagoo intaa ku daray in dadka ka qayb qaadanayey ay gaareen dhawr boqol oo qof oo u badan dhallinyaro, waxaana degan xaalada magaalada Malmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay Sarkaal la sheegay inuu isku dilay Muqdisho

Caydiid Ali

Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho (Maxaa ka soo baxay)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo war ka soo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid Sh. Shucayb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---