Al Shabaab oo Bayaan kasoo saartay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Xarakada Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qarax ismiidaamin ah oo barqadii maanta ka dhacay Koontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo kuyaala agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax ku weerareen koontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada oo kuyaala Isgooska Sayidka, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa lagu dilay sidoo kale lagu dhaawacay xubno katirsan dowlada.

Al Shabaab ayaa sheegtay in goobta qaraxa lala beegsaday ay xiligaasi ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan dowlada ay ku jiraan Xildhibaano kuwaa oo kusii jeeday xarunta Madaxtooyada.

Weerarkan ismiidaaminta ah ee Al Shabaab maanta ku qaaday koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhintay ku jiray agaasime katirsanaa Wasaarada haweenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -