Rag doonayay in ay galaan Xero ciidamo Britain ah ku leeyihiin Kenya oo la qabtay

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay sadex nin oo la tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin urur argagaxiso, kuwaa oo la sheegay in la qabtay xili ay doonayeen in ay galaan xero tababar oo ciidamada Britain ku leeyihiin magaalada Nanyuki Gobolka Laikipia.

Sadexdan nin ay qabteen ciidamada Kenya oo la sheegay in aysan hubeesneyn ayaa gacanta lagu dhigay xili ay doonayeen in ay galaan xero aad loo ilaaliyo ay degan yihiin Ciidamo katirsan Milatariga Britain.

Taliyaha booliska Rift Valley Marcus Ocholla ayaa sheegay in  ciidamada booliska ee qeybta La-dagaallanka Argagixisada (ATPU) ay baarayaan ragan la qabtay uu sheegay in aysan hubeesneyn balse ay lahaayeen ujeedooyin qarsoon.

Baarayaasha ayuu sheegay taliyaha in ragan weediin doonaan su’aalo ku saabsan ujeedka ay doonayeen in ay u galana xerada ciidan, waxaana ragan sidoo kale lagu tuhmayaa in ay basaas u ahaayeen kooxo kale oo weerar qorsheenayay.

Warkan ayaa soo baxaya xili maalin kahor dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar ku galeen xero ciidan ay joogeen Ciidamo Mareykan ah , waxaana weerarkaasi lagu dilay sadex qof oo Mareykan ah iyo dad kale oo Kenyan ah ay ku jiraan ciidamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -