Ciidamo katirsan Nabad sugida oo gaaray Deegaan lagu arkay xubno katirsan Al Shabaab

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab lagu arkay deegaanka Barujeed oo kuyaala duleedka magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xubno katirsan Al Shabaab oo hubeesan ay soo gaareen deegaanka, lamana sheegin wax dhibaato ah oo halkaasi ka geesteen dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada Nabad sugioda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Guriceel ayaa si deg deg ah u gaaray deegaanka Barujeed ee lagu arkay Al Shabaab, waxaana la sheegay in halkasai isaga baxeen dagaalyahanadii yimid.

Taliyaha Nabadsugida Guriceel Maxamed Gaanyac Cabdulle oo Hugaaminayey Ciidamada gaaray deegaanka Barujeed ayaa sheegay in Al Shabaab ka baxeen halkaasi markii ay ka war heleen in ciidanka kusoo wajahan yihiin.

Waxa uu sheegay taliyaha in dagaalyahanada Al Shabaab deegaankaasi u yimaadeen si dadka u cabsi galiyaan, waxa uuna xusay in hada amaanka deegaanka xaqiijiyeen ciidamada dowlada.

Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamo badan geesay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb oo horey amaankeeda u sugi jireen ciidamadii Ahlu Sunna oo intooda badan la qarameeyay loona diray xeryo tababar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -