Masjidkii ugu horeeyey gudaha Soomaaliya oo loo xiray cudurka Coronavirus

Masjidka Xareed Yarow oo ka mid ah Masaajidada ugu weyn magaalada Kismaayo ayaan maanta salaaddii Jimcaha lagu tukan oo la xiray kadib markii culimada masjidku ay go’aamiyeen arrintaas.

Maamulka masaajidka ayaa talaabadan u cuskaday ka dib markii mid ka mid ah Jameecada Masaajidka ku tukan jiray laga helay cudurka COVID-19.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee masaajid Soomaaliya ku yaala uu qaado tan iyo markii uu bilowday cudurka safmarka ah ee Korona.

Dowlada Somalia iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa horey ugu guul dareystay talaabooyin ay ku doonayeen iney Masaajidada ku xiraan si looga hortago faafida cudurka Coronavirus, hase ahaatee dadweyne iyo Culimaa’udiin ayaa ka soo horjeestay arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -