Nin Caan ah oo hal kaluun ku iibsaday lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar (Daawo Sawirada)

Nin ganacsade ah caana ka ah dalka Japan ayaa qabsaday hadal heynta Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada kadib markii hal kaluun uu ku iibsaday lacag ku dhaw labo milyan oo Dollar.

Kiyoshi Kimura oo ah ganacsade iska leh maqaayado lagu iibiyo hilibka kaluunka ayaa suuq lagu soo bandhigayay kaluun waa weyn sanadkan cusub ka iibsaday kaluunkii ugu weynaa ee lasoo bandhigay.

Ganacsadahan oo isugu yeero Boqorka Kaluunka ayaa lacag gaareysa 1.8 milyan oo doolar ku iibsaday kaluun miisaankiisu yahay  276 kiilo, waxa uuna sheegay ganacsadaha in uu doonayo in macaamiishiisa cunaan kaluun dhadhan macaan leh.

Kaluunkan lacagta waalida ah lagu iibsaday ayaa laga soo dabay xeebaha waqooyiga dalka Japan, waxaana Kimura uu sheegay in kalluunka uu yahay qaali, balse uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee sanadkan iibsada kalluunka ugu weyn.

Ganacsadahan oo caan ka ah Japan ayaa sanad kahor sidan oo kale lacag dhan $3.1 malyan oo doolar ku iibsaday kalluun weyn oo ah nooca loo yaqaanno Tuna, waxaana ninkan lacag badan ka sameeyaa ka ganacsiga kaluunka uu maqaayadihiisa ku iibiyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -