Ra’isul Wasaare Kheyre oo Kulamo xasaasi ah kawada magaalada Dhuusomareeb

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo xal u raadin iyo dedejinta dhismaha Galmudug loo dhan yahay la qaatay Waxgarad iyo Siyaasiyiin.

Kheyre ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay qaar kamid ah waxgaradka beelaha ka qeyb galaya dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna kala hadlay arimo badan ay ugu muhiimsan tahay sidii loo dhisi lahaa Galmudug raali laga yahay.

Waxagardka uu la kulmay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa u balan qaaday in ay la shaqeenayaan Xukuumada ayna raali ka yihiin sidii loo dhisi lahaa Glamudug tayo leh raalina ka yihiin dadka wada dega.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka kana soo jeeda Galmudug kuwaa uu uga mahad celiyay sida ay uga shaqeenayaan dhismaha Galmudug.

Dhismaha maamulka Galmudug ayaa hada meel wanaagsan maraya , waxaama la filayaa saacadaha iyo maalmaha soo aadan lagu dhawaqao liiska Xildhibaanada cusub ee Galmudug ee dooran doona Hogaanka maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -