Madaxweyne Farmaajo oo Xildhibaanada Golaha Shacabka horgeeyay R/Wasaaraha cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw hortagay Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxa uuna Xildhibaanada horgeeyay R/Wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka waxaa soo xaadiray 215-Xildhibaan, kuwaa oo codka kalsoonida siin doona ama u diidi doona Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee goordhaw la horgeeyay.

Hadal kooban uu Madaxweyne Farmaajo kahor jeediyay Xildhibaanada golaha shacabka ayuu kaga codsaday in codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaaraha cusub uu soo magacaabay ee Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Ra’isul Wasaaraha cusub uu kusoo xulay karti iyo aqoon , waxa uuna tilmaamay in uu rumeesan yahay in wax badan xaalada dalka ka qaban karo hadii uu helo codka kalsoonida.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaana la filayaa in goordhaw codka kalsoonida u qaadaan Ra’isul Wasaaraha cusub, waxaana loo badinayaa in Xildhibaanada ay codka kalsoonida siin doonaan R/Wasaaraha magacaaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -