Maxaabiis isku dayday iney ka baxsato xabsiga Baydhabo oo la toogtay

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijiyay in maxaabiis ku jirtay xabsiga Baydhabo oo saaka isku dayay  inay baxsadaan la toogtay.

Mid ka mid ahaa maxaabiista ayaa ku geeriyooday toogashada xilli uu xabsiga ka baxsanayay waxaan gacanta lagu dhigay mid kale oo isna isku day sameeyay.

Labada maxbuus ee isku dayey iney ka baxsadaan xabsiga ayaa la sheegay in loo soo xiray dembiyo argagaxisanimo la xiriira, ayna ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa ilaaliya xabsiga magaalada Baydhabo ayaa la sheegay iney xoojiyeen amaanka xabsiga, waxaana la geeyey halkaas ciidamo xoojin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -