Taliyaha ciidamada AFRICOM oo beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshadda

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegayey inuu ku dhintay weerarkii Al-Shabaab shalay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalk kenya.

Sida ay sheegtay AFRICOM qaar ka mid cinwaanada wararkaas ku faafiyey baraha bulshada ayaa xiriir la leh Iran oo haatan xiisad weyn ay kala dhexeyso Maraykanka.

“Faafinta Wararka ku saabsan dhimashadeyda waa kuwo si weyn loo buun-buuniyey. waana tusaale dacaayadda been abuurka ah ee ka imanaya Al-Shabaab iyo jilayaasha xun sida Iran iyo kuwa la midka ah” ayuu yiri Jen. Stephen Townsend.

Waxaa uu intaas intaas ku daray in AFRICOM ay sii wadi doonto inay dalalka saaxiibada ah kala shaqeyso danaha Mareykanka iyo cirib-tirka argagixisada doonaysa inay carqalad ku noqdaan horumarka caalamka. Sida uu yiri.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay saldhiga Lamu Kenya ay kaga geeriyoodeen saddex muwaadin oo midkood uu ahaa askari, halka labo kale ay kaga dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -