Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci Muddo la sugayey (Sawirro)

Kulankii Golaha Aqalka Sare Baarlamanka Somalia ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Batrooolka.

Kulanka waxaa shir guddominayey Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi Waxaana hor yimid Golaha Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Xubno kale.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaale iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka.

Senarada Golaha Aqalka Sare ayaa guda galay dooda ku aadan Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka, waxayna Senatarada ku taliyeen in loo ansixiyo Hinidse-sharciyeedka Batroolka sida uu oga soo gubay Golaha Shacabka, Waxaana u codeeysay 28 Senatar. Waxaa ogaaladay 24 Senatar. Waxaana ka amusay 4 Senator.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay inuu Hindise-sharciyeedka Batroolka sidaa ansax ku yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo xiray Saynisyahan u sameeyey Gantaalaha guuxooda ka dheereeya (Sababta)

Caydiid Ali

(Sawirro) Markab ay saaran yihiin kumanaan dalxiise oo Coronavirus uu ka dilaacay

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Biixi iyo wafdigii uu horkacayey oo gaaray dalka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---