Calankii iyo magacii degaanka Soomaalida Itoobiya oo la bedelayo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa soo saaray amarradii ugu horeeyay markii xilka loo magacaabay, kuwaasoo saameynaya magaca iyo Calanka degaanka Soomaalida

Madaxweynaha Cusub ayaa amray in magacii hore Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya lagu bedelo dowladda Soomaalida (Somali State), isla markaana dib loo soo celiyo Calankii ay ku jirtay xidigta Shanta Gees ee hore mamulkaasi uu isicmaali jiray, ayna ansixiyeen Baarlamankii ugu horeeyey ee uu degaankaasi yeesho.

Ka dib shir ka dhacay magaalada Adis ababa oo ay ku wehliyeen mas’uuliiin ka tirsan Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa labadan arrimood lagu go’aamiyey, wuxuuna balanqaaday inay ilaalin doonaan xuquuqda aadanaha.

Calanka cusub ayaa qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, matrkii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar.

Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida, ayadoo loo danaynayo Soomaalida iyo dadka aan muslimiinta ahayn.

Gebagebadii shirkaas ayaa waxaa laga qaaday heesta caanka ah ee (Soomaaliyey toosoo) taasoo hadda astaan qarameed u ah dowlada federaalka Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho.

CALANKA CUSUB

CALANKII HORE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -