Kenya oo shaacisay in qabatay xubno la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Camp Simba

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa shalay subax weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xerada Camp Simba ay joogaan Ciidamo katirsan kuwa badda Mareykanka iyo kuwa Kenyan ah.

Weerarkan ayaa Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa xerada kasoo gaaray khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale xerada lagu gubay diyaarado iyo gaadiid kala duwan.

Ciidamada Kenya oo weerarka kadib howlgalo ka sameeyay deegaano ku dhaw goobta weerarku ka dhacay ayey kusoo qab qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday xerada milatari.

Gudoomiyaha nabad galyada ismaamulka Lamu Irungu Macharia  ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen 5 Ruux oo looga shkiyay in ay ku lug lahaayeen weerarka kana tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa ku guul dareestay in ay kahor tagaan weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, waxaana weerarkii shalay banaanka soo dhigay tabar darada ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka kadib markii Al Shabaab xerada gudaha u galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -