Ciidamada Itoobiya oo gobolka Tigray ka soo qabtay masuuliyiin kale oo ka tirsan TPLF

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay soo xireen 18 ka mid ah hogaamiyaasha Kooxda TPLF ee laga tuuray xukunka gobolka Tigray.

Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay howlgal ay ka sameeyeen gobalka Tigray-ga ay ku soo xireen 18 hogaamiye oo ka tirsan  TPLF.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka ciidmada Itoobiya General Maxamed Tasim ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaalka la soo qabtay ay ku lug lahaayeen dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigray, waxaana ka mid ah taliyaal ciidan.

Jabhadda ayaa kasoo horjeesatay go’aankii dowladda dhexe ee ku saabsanaa in dib loo dhigo doorashada guud ee dalka, waxayna gobalka Tigray-ga ka qabatay doorasho goboleed bishii September ee snadkii tegay.

Dowladda Itoobiya ayaa doorashadaas ku tilmaamtay mid sharci darrao ah, waxaana ka dhashay khilaaf siysaadeed oo isku bedelay dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -