Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Mid kamid ah Beelaha Dega Galmudug oo diiday ka qeyb galka Shirka Dib u heshiisiinta

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhacay kulan ay yeesheen xubno katirsan guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug iyo Waxgaradka Beesha Saleemaan.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii ay beesha Saleemaan ee degta Cadaado uga qeyb gali laheyd shirka Dib u heshiisiimta ee gogoshiisa taalo magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka oo saacado socday ayaa la sheegay in markii dambe fashil kusoo dhamaaday , waxgaradka beesha reer Xaaji Saleemaan ayaana diiday in ay ka qeyb galaan shirka ay iclaamisay Xukuumada ee gogoshiisa taalo Dhuusomareeb.

Waxgaradka  ayaa ku dooday in magaalada Cadaado tahay xarunta Baarlamaanka Galmudug ayna tahay muhiim in shirka iyo dhismaha maamulka Galmudug lagu qabto magaaladaasi.

Xubnaha guddiga Dib u heshiisiinta ee la gulmay Waxgaradka Cadaado ayaa sheegay in waxyaabaha ay kala kulmeen kula laaban doonaan Wasaarada arimaha gudaha iyo madaxda kale si arinta xal looga gaaro.

Beesha Degta Cadaado ayaa ku adkeesaneysa in shirka Dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulka Glamudug la dhigo Cadaado, halka Xukuumada Soomaaliya shaacisay in shirka iyo doorashada Galmudug ay ka dhaceyso magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo War ka soo saaray khilaafka dhinacyada Siyaasada Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo si adag u beeniyay Warar lagu faafiyay Warbaahino waa weyn

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeeda Degmo katirsan Shabeelaha Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---