Haweeney qarsoodi dadka ku bareysay Quraanka oo xabsi dheer lagu xukumay

Haweeney ka tirsan Muslimiinta Wiigar oo xilli saqdii dhexe ah afar sannadood ah ka hor lagu xiray gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay diinta Islaamka bareysay dhallinyaro xaafadeeda ku nool iyadoo qarineysay nuqullada kitaabka qur’aanka kariimka ah oo mamnuuc ka ah gobolkaas.

Hasiyet Ehmet oo ah 57 jir u dhalatay Xinjiang ayaa la la’aa tan iyo markii saraakiisha Shiinaha ay afduubteen bishii May 2017-kii.

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay in haweenaydan lagu xukumay 14 sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyay inay si qarsoodi ah Qu’aanka bareysay 7 qof.

Shiinaha oo lagu eedeeyey inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani’aadannimo oo ay ka mid yihiin dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -