Xaflad aroos oo ka socotay Deegaan katirsan Jubbaland oo Murugo isku bedeshay kadib Duqeyn lala beegsaday 

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in deegaan katirsan gobolkaasi ay ka socotay xaflad aroos la duqeeyay , waxaana duqeyntaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Duqeynta ayaa lala beegsaday Deegaanka Dayac Garoon oo qiyaastii 45km u jira Deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana duqeynta fuliyay diyaarado dagaal oo loo maleenayo in Kenya laga leeyahay.

Gudoomiyaha Deegaanka Diif ee Maamulka Jubbaland, Axmed Salaad Axmed ayaa sheegay duqeynta lala beegsaday goobta xaflada aroos ka socotay ay ku dhinteen sadex qof halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in duqeyta dhacday saqdii dhaxe habeenkii axada soo galeysay, waxa uuna tilmaamay in duqeynta sidoo kale ku dhinteen xoolo badan oo xero ku xareesnaa.

Goobtii xaflada arooska ka socotay ayaa isku bedeshay murugo kadib markii qaar kamid ahaa dadkii farxada xaflada aroosk au joogay qaar la dilay qaar kalana lagu dhaawacay duqeynta.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya deegaano katirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana la sheegaa in duqeymaha diyaaradaha Kenya aysan laheyn bartilmaameed ayna waxyeelo kasoo gaarto dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -