Xiisadda U Dhaxaysa Maraykanka Iyo Iran Oo Durba Saamayn Ku Yeelatay Kubadda Cagta !!

Xiisadda shalay cirka isku shareertay ee u dhaxaysa waddamada Maraykanka iyo Iran ayaa sababtay in la baajiyo safar uu xulka qaranka USA ku tegi lahaa bariga dhexe, halkaas oo ay kusoo qaadan lahaayeen tababar.

Maraykanka ayaa Jimcihii duqayn ku dilay Jeneraal Sasem Soleimani oo taliye u ahaa guutada hawl-gallada dibedda ee Iran, waxaana amarka lagu dilay bixiyey Madaxweyne Donald Trum sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanku.

Dawladda Iran ayaa si adag uga hadashay dilka Jeneraalkeeda, waxaanay ku hanjabtay inay jawaab xanuun badan oo aargoosi ah siin doonaan Maraykanka, taas oo abuurtay in amar lagu siiyo muwaadiniinta Maraykanka ee gudaha dalka Iraq jooga inay si degdeg ah uga baxaan dalkaas, kuwa kale ee dalalka dariskana la faray inay digtoonaadaan.

Dilkan oo uu Maraykanku u adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa waxa uu Jeneraal Qasem Suleimani ku sugnaa markii dilay duleeedka magaalada Baghdad, meel u dhow garoonka diyaarahadaha ee Baghdad International Airport.

Maraykanka oo ka cabsi qaba jawaabta ay Iran ka bixin doonto dilka sarkaalkeeda, ayaa waxa uu joojiyey safar uu xulka qarankiisu ku tegi lahaayeen Qatar oo xarun tababar oo halkaas ku taalla ay carbis kusoo samayn lahaayeen.

Xarunta tababarka ee Aspire Academy ee magaalada Doha ayaa waxa qorshaysnayd in xulka Maraykanku uu ka bilaabo tababar January 5, hase yeeshee war-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Maraykanka ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay socdaalkii ciyaartoyga.

“Iyadoo laga duulayo xaaladda gobolka, xulka qaranka Maraykanku waxayy go’aansadeen in dib loo dhigo socdaalkii uu ku xulka qaranku ku tegi lahaa Qatar oo qorshuhu ahaa inay tababar kusoo qaataan bisha January. Waxa aanu raadinaynaa meel kale oo aanu ku qaadano tababarka aanu iskugu diyaarinayno ciyaarta Cost Rica ee February 1 ka dhici doonta Dignity Health Sports Park ee Carson, California. Waxa aanu xidhiidhka kubadda cagta Qatar kala shaqayynaynaa sidii aanu mustaqbalka dhow fursad ugu heli lahayn xulkayaga in uu tababar khibrad ah kusoo qaato garoomada aadka loo qalabeeyey ee Qatar iyo soo-dhoweyntooda.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xidhiidhka kubadda cagta Maraykanka.

Xulka qaranka Maraykanka ayaa la filayey inuu ciyaar saaxiibtinimo kula yeesho waddanka Qatar kooxda Salzburg, hase yeeshee waxay taasi baaba’day markii uu Maraykanku shalay dilay Jeneraalka reer Iran.

W/Q Abdiwahab Ahmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -