Madaxweyne Waare oo galabta ka dhawaajiyay hadalo aan horey looga baran !!

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabta magaalada Muqdisho kasoo dagay ayaa weerar culus oo dhinaca afka ah oon horey looga baran ku qaaday dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Waare oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa eedeemo culus usoo jeediyay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna shaaca ka qaaday in dowlada ku fashilantay xasilinta Caasimada Muqdisho.

Waare ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho uu xiligan faraha ka baxay meel xuna uu gaaray, waxa uuna tilmaamay in dowlada Soomaalia ay ku mashquushay in ay cadaadis iyo dhibaato ku abuurto maamulada.

Madaxwenaha Hirshabelle ayaa sheegay in amaanka Muqdisho la filan karo in uu faraha kasii baxo, waxa uuna kula taliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaano soo dhaweenayay in ay is ilaaliyaan

”Amniga gacanta ayuu ka baxay wal wal badan ayaana ka qabnaa, Xildhibaanada ilaah ha idin dhooro , waxii hada ka dambeeya is ilaaliya waa hadal nin oday ah,xaalada magaalada waa is bedeshay ” Ayuu yiri Madaxweyne Waare

Waare ayaa sheegay in dowlada Federaalka aysan hada wada maamulin ayna ku adagatahay in ay sugto amaanka Muqdisho, waxa uuna xusay in dowlada kaliya ku egtahay laamiga Maka Al mukarama.

Waxa uu sheegay Waare in Amniga Muqdisho aan laga difaaci Karin Xamar Dhexdeeda balse  Hir-Shabeelle uu soo gudbiyey Naqshad ah in laga difaaco labada Shabeelle balse aan wali dowlada arintaasi ka shaqeyn.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay si gaar ah u beegsaneyso una bur burineyso Maamulka uu hogaamiye ee Hirshabelle iyo kan Galmudug.

Hadaladan adag ee maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Hirshabelle ayaa imaanaya xili maamul goboleedyada dalka oo ku shiray Kismaayo shaaciyeen in ay joojiyeen wada shaqeyntii dowlada Federaalka kala dhaxeysay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -