Xildhibaan Runta u sheegay Xaaf ” Hadii han siyaasadeed kaaga jiro Galmudug tartanka soo gal”

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi uu sheegay in ay qaban qaabinayaan doorashada Galmudug.

Xaaf ayaa dhoor bilood kahor shaaciyay in shaqada Galmudug gaar ahaan qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta iyo arimaha la xariira doorashooyinka ku wareejiyay Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isweediiyay waxa xiligan isku soo beegay Safarkii Xaaf ku tagay magaalada Gaalkacyo iyo guddiga doorasho uu xalay magacaabay.

”Haddaba, waxaa in la iswaydiiyo mudan waxa isku soo beegay imaanshaha Madaxweyne Xaaf magaalada Gaalkacyo, Guddiga xalay saqdii dhaxe uu magacaabay iyo laxowga cusub ee Galmudug ka soo galay 6 bilood kadib markii xilkiisii uu ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo waraaqda ka soo baxday Xaafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ee looga hakiyay lacagtii Galmudug ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sida shaqsiga ah ay u isticmaalayeen isaga iyo saaxiibadiis?” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf in xilkii reer Galmudug u doorteen ku wareejiyay wasaarada arimaha gudaha , waxa uuna sheegay in Xaaf hada uusan xil ka heyn Galmudug isagoona kula taliyay hadii han siyaasadeed ku jiro in uu tartanka soo galo.

” Madaxweyne Xaaf markii uu ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha xilkii reer Galmudug ay u dhiibteen ayuu ka tanaasulay mas’uuliyadii uu Galmudug u hayay. Xilka laguu doortana waa dhiibay in aad dhahdo waxay la mid tahay adiga oo iska casilay. Marka Galmudug mas’uuliyad hadda uma haysid ee hadii han siyaasadeed kaaga jiro tartanka soo gal abtiyow,. Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dad badan ayaa layaab ku noqotay isbadalka ku yimid Madaxweyne Xaaf xili gabo gabo mareyso dhismaha Galmudug loo dhan yahay , waxa ayna dadka qaar sheegeen in go’aanka Xaaf uusan xiligan saameyn laheyn waxna ka badaleyn shaqada socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -