Duqa magaalada Muqdisho oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo maanta hadal ka jeediyay isku soo bax looga soo horjeeday qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool ayaa hanjabaad culus hawada u mariyay Al Shabaab.

Cumar Filish ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Al Shabaab ku dileen dad badan oo shacab ah, waxa uuna ku goodiyay in aysan ka hari doonin kooxdaasi ayna ka aargoosan doonaam.

“Kama hari doonno kuwa ubadkeenna iyo ciidamadeenna sidaas u galay, waanna ka hadlay oo waxaan iri ‘ma ilmeyneyno, ma oyeeyno ee waan aarsaneynaa'”, ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab aysan u kala soocdeyn shacab iyo dowlad, waxa uuna ugu baaqay shacabka muqdisho in ay u midoobaan dagaalka Al Shabaab ayna ka hortagaan intii aanan guryaha loogu imaan.

“Waa maalintii aan far mid ah ku tilmaami lahayn cadowgeenna. Waxa la baabi’inayo waa umadda cududdeeda, dhaqaalaheeda, aqoonyahannadeeda iyo dhalinyaradeeda. Kuwa sidaas ka shaqeynaya waa inaan u midowno, waa inaan aragti mid ah ku wajahno, intii koox koox naloo dili lahaa, oo aan ku sugi lahayn guryaheenna, illeen qaraxa guriga ayey noogu keenayaane, waa inaan annagu meesha ay joogaan ugu tagno haddii Alle idmo”.ayuu yiri Cumar Finish.

Cumar Finish ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga soo wada horjeesto kooxda Al Shabaab, waxa uuna digniin u diray ganacsatada magaalada Muqdisho ee lacagaha siiya kooxdaasi.

“Dadka wax bartay iyo dadka hantida leh, waxaan rabaa inaan u sheego, kan wax bartay inuu dadka u sheego cadowgiisu inuu yahay Al-Shabaab, oo uusan ka baqin. Dadka hantida heystana handadaadda lacagaha baadda ah looga qaado waa inay iska diidaan, waayo ubadkooda ayaa lagu baabi’inayaa. Waxa aad ogtahay in haddii maanta lagaa qaado barrina ubadkaaga lagu baabi’inayo inaad bixiso soo doqonimo ma aha?”, ayuu yiri Duqa Muqdisho

Hadalkan kasoo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili Al Shabaab sheegatay masuuliyada qarax lagu dilay dad ku dhaw 100-qof, waxaana horey sidaan oo kale hanjabaadyo afka ku eg hawada ugu mariyay Al Shabaab madaxda sare ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -