Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali dilal geystay oo Maxkamad lagu soo taagay dalka Jarmalka (Sawirro)

Maxkamadeynta ninkii Soomaaliga ahaa ee sanad kahor dadka ku dilay Magaalada Würzburg ayaa maanta ka bilaabatay dalka Jarmalka.

Maxkamadda ayaa dooneysa inay caddeyso in ninkan uu yahay qof maskax ahaan Caafimaad qaba oo danbiga ulakac u geystay iyo inkale.

Waxaa ninkan loo heystaa ama lagu soo oogay 14 kiis danbiyeed kuwaasoo kala ah 3 kiis oo dil ah iyo 11 kiis oo isku day dil ah.

Ninkaan ayaa horay waxaa looga helay cudur Paranoide Schizophrenie la dhaho, kaasoo dadka qaba ay halistooda inay dhib geystaan ah aad u sareyso.

Wuxuu horay u sheegay inuu aargoosi waday ka dib markii ay dhibeen xafiisyada socdaalka ee dalka Jarmalka sida uu yiri.

Maxkamadda ayaa shalay bilaabatay, eedeysanaha labo abukaate oo difaaceysa ayuu heystaa, saxaafadda aad ayay ula socotaa dacwadan, inta aan xukunka lagu ridin waxaa laga yaabaa in dacwadiisa ay muddo dheer qaadato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

 

Related posts

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin iyo Wafdi la socday oo laga reebay Diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd

Cabdi Cade

Laftagareen oo Baydhabo ku laabtay iyo Xog ku aadan kulankii isaga iyo Deni

Caydiid Ali

RW Xamza & wafdi uu horkacayo oo safarkii ugu horeeyey dibeda ugu ambabaxay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---