Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha & Jen. Xuud?

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Genaral Mukhtaar Xuseen Afrax, Genaral Xuud iyo odayaal dhaqan ayaa shir ku yeeshay degaan u dhaw degaanka Ceel-gaal ee duleedka magaalada Beladweyne.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay tabashada dhinacyada ay qabaan iyo sidii loo xalin lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Kulanka oo ku soo dhammaaday Isfahan hordhac ah loo ballamay kulamo kale si loo dhamaystiro wadahadalka.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada xalka loogu raadinayo xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee la xiriirta diidmada shacab ee safarka uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ku doonayay inuu ku tago magaalada Beledwayne.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa horey ugu guul fashilmay inuu xaliyo tabashada shacabka Hiiraan inuu magaaladaas tago Cali Guudlaawe.

Jen. Xuud oo wata maleeshiyo hubeysan, taageerana ka helaya shacabka ayaa is hortaag ku sameeyey booqashada Cali Guudlaawe ee Belad-weyne, iyagoo ku andacoonaya in doorashadiisa ay xad gudub ku tahay hanaanka awood qeybsiga Maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Somalia iyo AMISOM oo dagaalamay iyo Banaan bax looga soo horjeeday dagaalka oo la dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Deegaan laga dhigay Degmo oo Laami cusub la saarayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---