Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaab oo weerartay bus ay shacab la socdeen & Wararkii ugu dambeeyey

Warbaahinta Kenya ayaa tebinaysa in kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ay maanta weerareen bas marayey degaanka Nyongoro oo ka tirsan gobolka xeebta ee LAMU.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen qaar ka mid ah kadib markii maleeshiyaad rasaas rideen, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dableyda hubeysan ayaa la sheegay iney markii dambe qafaasheen buskan iyo dadkii la socday, iyagoo la aaday meel aan la garaneynin.

Booliska ayaa sheegay in baskan oo ka soo ambabaxay magaalada Mombasa ay haatan baadi goob ugu jiraan, iyagoo sheegay iney ciidamo fara badan geeyeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Weli lama xaqjiijin tirade dadka la socday baskan balse afduubkan ayaa ku soo aadaya xili dowlada Kenya ay xoojisay amaanka degaanada ku yaalla gobolka xeebta Lamu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo caawa Telfoon kula hadlay dad shacab ah hal Codsina weediistay

Cabdi Cade

Maxay Ra’iisul Wasaare Rooble & wafdigiisa ku soo arkeen dekeda Kismaayo? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Mooshinkii laga gudbiyay Jawaari iyo Kulamo xasaasi ah oo caawa socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---